Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Suudaan Oo Xoog Ku Kala Eryay Shacab Mudaharaadayay

focus

Millatariga Suudaan Oo Xoog Ku Kala Eryay Shacab Mudaharaadayay

(SLT-Khartoum)-Ciidamada Milateriga Suudaan ayaa bilaabay inay xoog ku kala eryaan Mudaharaadayaasha ku sugan banaanka Wasaaradda Gashaandhiga wadankaasi oo ah xudunta kacdoonka.

Guddiga dhexe ee dhakhaatiir Suudaan ayaa xaqiijiyay dhimashada labo qof iyo dhaawaca tiro kale, waxaana la maqlayaa Rasaas xoog leh oo ka dhacaysa goobaha ay fadhiyeen mudaharaadayaashu.

Mohammed Elmunir oo ka mid ahaa mudaharaadayaashii naftooda la soo baxsaday ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadu xireen iridihii laga baxayay kadibna ay rasaas ku fureen mudaharadaayaashii

” waxay xireen dhammaan iridihii laga baxayay ee Fagaaraha, Qofkasta waa tooganayeen, iyagoo gubayay Teendhooyinkii ay deganaayeen mudaharadaayaashu, qofkastaa naftiisa ayuu la cararay” Sidaas waxaa yidhi Mohammed Elmunir

Howlgalkan ayaa imaanaya maalmo ka dib Markii Milateriga Suudaan ay sheegeen in Tallaabo ay ka qaadi doonaan shacabka ku mudaharaadaya banaanka wasaaradda gashaandhiga, iyagoo sheegay in amniga dalka ay khatar galinayaan

Dhaqaaqa Mudaharadayaasha Suudaan oo socday muddo dheer ayaa ku guulaystay in xukunka laga tuuro Madaweynihii hore Cumar Xasan Albashiir, waxaana xukunka la wareegay golle milateri, haseyeeshee shacabka Suudaan ayaa ka horyimid, iyagoo ugu baaqay Generaalada Ciidamada in dowladda rayid ah xukunka lagu wareejiyo

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top