Connect with us

somalilandtoday.com

Roobab Sababay Dhimasho Oo Ka Da’ay Deegaannada Puntland Iyo Guddi La Magacaabay

focus

Roobab Sababay Dhimasho Oo Ka Da’ay Deegaannada Puntland Iyo Guddi La Magacaabay

(SLT-Garoowe)-Roobab laxaad leh oo ka da’ay Deegaannada Puntland intooda badan ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho, Baro-kac iyo Jidad go’ay.

Roobabkan oo ka da’ay Gobollo badan oo Puntland ayaa illaa hadda waxa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Qof, waxaana ka dhashay Fatahaado waaweyn, kuwaasi oo sababay inuu go’o jidka u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo ah Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed-karaash oo sidoo kalena ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka, kuwaasi oo loo xil-saaray inay soo qiimeeyaan Khasaaraha gaadhay Dadka, Xoolaha, Waddooyinka iyo waxyaabaha kale ee Muhiimka ah.

Guddiga ayaa kala ah:

  1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye
  2. Wasaaradda Hawlaha Guud , G/Ku Xigeen

3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha , Xubin

  1. Wasaaradda Maaliyadda Xubin
  2. Wasaaradda Ganacsiga Xubin

6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin

7.Wasaaradda Deegaanka Xubin

8.Wasaaradda Caafimaadka Xubin

9.Wasaaradda Qorshaynta Xubin

10.Madaxtooyada Xubin

11.Taliska Ciidanka Booliska Xubin

  1. Hay’adda HADMA Xoghayn

13.Hay’adda PHA Xubin

14.Guddoomiyayaasha Gobollada Xubin

Ku-simaha Madaxweynuhu wuxuu Cid kasta oo hawshani khusayso uu ka codsaday inay Guddiga kala shaqeeyaan Gurmadka ay Dadka ku samato-bixinayaan, waxaanu markaa ka dib uu kormeer ku tagay Goobaha khasaaruhu ka jiro.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top