Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqasho Ku Tagay Addis Ababa Iyo Abiy Ahmed Oo Bilaabay Qorshe Lagu Xalinayo Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya

focus

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqasho Ku Tagay Addis Ababa Iyo Abiy Ahmed Oo Bilaabay Qorshe Lagu Xalinayo Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Waftiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Makkah Al-Mukarama, halkaasoo ay uga qeyb galeen shirarka Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta iyo kuwa Iskaashiga Islaamka.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo qorshe uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dadaal ugu jira in xal diblomaasiyadeed laga gaadho khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo Ammaanka iyo nabadda Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu Abiy Ahmed uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top