Connect with us

somalilandtoday.com

Askar Lagu Dilay Duqeyn Ay Millatariga Israa’iil Ka Geysteen Dalka Suuriya

focus

Askar Lagu Dilay Duqeyn Ay Millatariga Israa’iil Ka Geysteen Dalka Suuriya

(SLT- Quneytra)-3 Askari ayaa geeriyootay, 7 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Millateriga Israel madaafiic ku garaacday 3 fadhiisin Ciiddan oo ku yaalla Gobalka Quneytra ee Bariga dalka Suuriya.

Warbaahinta Dowladda Syria ayaa saakayto sheegtay inay Ciiddanka iska caabiyeen Duqymo ay Ciiddanka Israel geysteen, iyadoo ay Ciiddanka Difaaca Syria hawada ku burburiyeen Gantaal ay Israel Waaberigii hore ee saakayto ku soo ganeen Koonfurta Caasimadda Syria ee Dimishiq.

Ilo Millateri ayaa u sheegay WakaalladdaWararka Syria ee SANA inay duqeymahaasi ka soo dhacaeen qeybta ay Milliteriga Israel ka joogaan dhanka Buuraha Golan Haytis

Dhanka kale, Millateriga Israel waxay xaqiijiyeen inay duqeeyeen bar-tilmaameedyo ay Milliteriga Syria lahaayeen, oo kala ahaa Saldhig ay Lidka Diyaaradaha yaalleen, Xarumo Sirdoon iyo goobo wax laga ilaaleeyo.

Afhayeen u hadlay Millateriga Israel ayaa sheegay in duqeymahaasi looga jawaab celinayey 2 Madfac o oay ciiddanka Syria la beegsadeen Degmadda Hermoon ee Waqooyiga Buuraha Golan Haytis.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top