Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Ka Gudbaaya Xayiraadi Hubka Sida Daran Wax U Gumaada Ee Nukliyeerka.

focus

Ruushka Oo Ka Gudbaaya Xayiraadi Hubka Sida Daran Wax U Gumaada Ee Nukliyeerka.

(SLT-Moscow)Ruushka ayaa laga yaabaa in ay meel uga dhacay xayiraaddii ka saarnayd in uu tijaabiyo hubka nukliyeerka ah ee qarixiisu uusan aadka u xoog badnayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Sarreeye Guud Robert Ashley oo madax ka ah hay’adda sirdoonkooda difaaca ayaa sheegay “in ay u badan tahay in Moscow aysan u hoggaansamayn” heshiiska la aqoonsan yahay.

Marka uu masuulku sidaas leeyahay wuxuu soo xiganayay heshiiska loo soo gaabiyo CTBT, kaas oo ah heshiis ay dalal badan galeen oo mamnuucaya in la tijaabiyo hubka nukliyeerka ah.

Ruushka ayaa sannadkii 2008 sheegay in uu ku dhaqmi doono heshiiska CTBT.

Maraykanka ayaa isna heshiiskaas saxiixay balse ma uusan meelmarin.

“Fahamka aan ka qabno nukliyeerka ayaa nagu hagaya in aan aaminno in tijaabooyinka Ruushka ay ka caawin doonto sidii uu sare ugu qaadi lahaa tayada hubkiisa,” ayuu yiri Sarreeye Guud Robert Ashley.

Wuxuu intaas ku sii daray in Maraykanku uu filayo in Ruushku uu hubkaas ku tijaabinayo jasiiradaha Novaya Zemlya, si uu sare ugu qaado hubkiisa nukliyeerka ah tobanka sano ee soo socda.

Balse dadka arrimahan ka faallooda ayaa aad u naqdiyay hadalkaas, ururka CTBTO ayaana sheegay in aysan helin astaamo muujinaya dhaqdhaqaaqyo ka baxsan waxyaabihii caadiga ahaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top