Connect with us

somalilandtoday.com

Moorgan markii loo soo bedelay Hargeysa waxay SNM u ahayd fursad….W/Q Barkhad-Ladiif M. Cumar

Articles

Moorgan markii loo soo bedelay Hargeysa waxay SNM u ahayd fursad….W/Q Barkhad-Ladiif M. Cumar

Moorgan isagoo gaashaanle dhexe ah waxa taliye looga dhigay qaybtii 21aad ee deegaanka uu ka soo jeedo si uu uga tirtiro dad taageersan jabhadda SSDF ee Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayo oo wakhtigaasi ka waday dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah.

Cabdilaahi Yuusuf markii uu qabsaday magaalooyinka Ballanballe iyo Goldogob waxa ka saaray oo askartiisa badh ku laayey ciidamo uu Moorgan hogaaminayey, taas baa Moorgan lagu dalacsiiyey oo laga dhigay gaashaanle sare.


Markii uu ku guulaystay inuu ka tirtiro goboladaasi jabhadii SSDF waxa loo soo wareejiyey 1986 gobolada waqaqooyi si uu uga hortago Jabhadda SNM oo dardar cusub ka waday goboladan, waxaana markaana laga dhigay darajada Ganaraal si loogu abaalmariyo shaqadii uu ka soo qaybtay gobolada Mudug iyo qaybo ka mid ah Nugaal, taas baa keentay inuu markiiba cadaadis iyo dhibaato hor leh bilaabo.


Talaabooyinkan uu shacabka ka qaaday waxay fursad siisay SNM waxaanay heshay taageero shacab oo dhalinyaro badan baa u talaabay wayna sii xoogaysatay,

Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan dalkiiba waxa uu ka dhigay bandow, dadkiina waxa uu u qorsheeyey wax uu laayo iyo qaar uu xidho, taasina waxay keentay in dhallinyaradii ugu badnayd u talowdo SNM, waxaanay SNM u yaqaaneen Diiriye oo waxay odhan jireen dadkii buu noo soo dareeriyey oo Qaaxo noogu yimid.

Mar wal oo shacabka la cadaadiyo waxa badanaysay dhalinyarada u talaabaysa SNM ee ka mid noqonaysa, taasina waxay fursad u ahayd SNM oo dadkii uu Gaanni dajinayey uu Moorgan ka soo wada yaaceen cadaadiska badan ee uu ku hayey, haseyeeshee isaga waxay la noqotay in laga cabsado oo uu sidaas wax ku maamuli karo.


Moorgan imaanshiyihiisa waa siday rabeen SNM oo xoog badan oo aanay markii hore hayn bay heleen, haseyeesheee dadkii aan carari Karin ama soo talaabi Karin waxa soo foodsaartay dhibaato adag iyo nolol qalafsan, kii la doonna habeen badhka lala baxayey oo badhka la gayn jirey, qaar iyagoo isku xidhxidhan baa mar la wada layn jirey halka qaarkood jeelasha uun lagu hayn jirey.

Labadaasi sarkaal ee la isku bedelay (Gaani iyo Moorgan) mid siyaasad qabow buu goboladan oo kacsan ku hayey midna dhalinyaradii oo dhan buu ka saaray heer ay gaadho in nin qori qaad ahiba aanu ku hadhin goboladan.


Markii uu cadaadiskii batay dadkii waxay naceen nidaamkii dalka ka talinayey, taasina waxay keentay in habeen madow madax madax iskugu soo shubaan SNM magaalooyinka waaweyn ka dib markii Siyaad Bare la heshiiyey Mingiste si SNM loo soo xero galiyo.

Kooxdii ugu horeysay ee SNM ee soo gashay magaalada Hargeysa waxay dagaal ku bilowday xaruntii ciidamada 26aad ee Soomaaliya ugu weynayd, taasinay waxay keentay inuu Moorgan u baxsaday madaarka si hadii ay sii kululaato uga baxsan karo.

Waxaanu markii dambe buurta madaarka soo saaray wixii hub culus lahaa iyo diyaaradihii dagaalka oo si siman u burburiyey magaaladda, dhowaaqa kaliya la maqlayey waxay ahayd madfac garbo siman ugu soo dhacayey magaalada iyo guuxa diyaaradaha laba noqonaya madaarka Hargeysa ee dadkii qaxayey ugu tagay banaanadda.

Dhinac marka ka eegto Moorgan wuxuu shidaal ugu sii shubay SNM markii uu dhalnyaradii oodhan u saaray, farsamo xumadiisuna way taageertay SNM, sidaas bay SNM ku guulaystay oo ay Somaliland ku qabsatay.

WQ:Barkhad-Ladiif M. Cumar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top