Connect with us

somalilandtoday.com

Makka: Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Waddamada Jaamacadda Carabta.

focus

Makka: Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Waddamada Jaamacadda Carabta.

(SLT-Makka) Madaxweynaha dalkaasi Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay magaalada Makka ee dalka sacuudiga shirkii degdeg ah ee ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta.

Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madax dalalka carabta qaarkood, waxaana ka mid ahaa Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan, Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani iyo madax kale.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya dowlada Somalia iyo dowladahaas, iyadoo kulamadaas ay ku dhamaadeen jawi is afgarad leh sida ay sheegeen masuuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia ee la socda wafdiga Madaxweynaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top