Connect with us

somalilandtoday.com

Uhuru Kenyatta Oo Ka Hadlay Dilalka Booliska Kenya U Geysanayaan Dadka Rayidka Ah

focus

Uhuru Kenyatta Oo Ka Hadlay Dilalka Booliska Kenya U Geysanayaan Dadka Rayidka Ah

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku amray ciidanka amniga Kenya in ay si deg deg ah ay wax uga qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah oo ku sii kordhaya gudaha Dalkaasi.

Kenyatta ayaa soo saaray war saxaafadeedkaan shalay Arbacada ahayd xilli uu tacsi u dirayay badhasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago oo maalintii isniinta aheyd la dilay walaalkii lagu magacaabo John Kinyor.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in walaac ay abuurtay dilalka sharci-darrada ah ee loo geysanayo dadka aan waxba galabsan loona baahan yahay in wax laga Qabto.

Booliska Kenya ayaa sannadihii la soo dhaafay kordhiyay dilalka iyo tacadiga ay ku hayaan dadka rayidka, waxaana sannad kasta ay dilaan boqolaal qof.

Ugu dambeyn wuxuu ku amray guddiga adeega booliska Kenya in ay qaadaan tallaabo wax ku ool ah si loola tacaalo Arimahaan.

Si kastaba ha ahaatee meydka walaalka Mandago ayaa laga helay maalintii isniinta aheyd dhisme ay ciidanka booliska magaalada Eldoret ku leeyihiin suuqa Chepkanga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top