Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Iran Oo Xaaskiisii Dilay Ka Dib-na Telefishinka Ka Qirtay

focus

Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Iran Oo Xaaskiisii Dilay Ka Dib-na Telefishinka Ka Qirtay

“Waxay u fekeri jirtay qaabkay doonto, arrintaas ayaana nolosheedii galaaftay”

Sidaasi waa sida uu Mohammad Ali Najafi, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Iran iyo duqii hore ee magaalada Tehran, ku sharraxay sababtii uu u toogtay xaaskiisii labaad.

Waxa uu doonayey in uu furo – dalabkaas oo ay ka diidday. dabadeed waxa uu ku dhuftay shan xabbadood, mid kamid ah xabbadahaas ayaa wadnaha ka haleeshay, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayuu isu dhiibay, inkastoo uu markii hore iskudayey in uu baxsado, kaamarooyinka booliiska ayaa qabtay oo ka duubay muuqaallo lagu qoslo.

Najafi ayaa loola dhaqmay si xushmad wayni ku jirto, arrintaas oo dadka baraha bulshada adeegsada ay si wayn uga horyimaadeen, marka la eego sida ninkan loola dhaqmay iyo sida loola dhaqmo dadka caadiga ah ee dambiyada yar yar gala – sida qofka Ramadaanta afura ama gabadha aan hijaabka xidhan.

Waxa uuba ku sigtay in uu qirto in uu xaaskiisa dilay.

Dagganaanta ka muuqatay Mr Najafi ayaa dood wayn dhalisay – mid ka mid ah dadka Twitter-ka adeegsada ayaa bartiisa ku sheegay in qaabkii Najafi uu u galayey saldhigga booliiska uu soo xasuusiyey filimkii Se7en iyo qaabkii uu Spacey ugu dhex lugeeyey saldhigga booliiska asagoo korkiisu wada dhiig yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top