Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaskii Hore Ee Milkiilaha Amazon Oo Kala Badh Hantideeda Deeq Ahaan U Bixineysa

focus

Xaaskii Hore Ee Milkiilaha Amazon Oo Kala Badh Hantideeda Deeq Ahaan U Bixineysa

(SLT-Washington)-MacKenzie Bezos, oo ah xaaskii hore ee madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos, ayaa ballan qaadday in kala badh lacagteeda ay bixin doonto.

Waxay ka mid noqotay bilyaneerrada sida Warren Buffett iyo aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates ee qayb ka mid ah maalkooda deeq ahaan u bixinaya.

Mr Buffett iyo Mr Gates ayaa markii ugo horreysay codsi diray waxayna ugu baaqeen dadka ugu taajirsan dunida in kala badh amaba ka badan maalkooda ay bixiyaan.

Ms Bezos waxay haysataa lacag gaadheysa $37bn (£29bn). Iyada iyo Mr Bezos ayaa kala tegay horraantii sanadkan.

Waxay dalbatay 4% ka mid ah lacagta shirkadda.

Baaqan ayaa waxaa saxiixay 204 qof, lammaaneyaal iyo qoysas ka soo kala jeeda 23 dal.

Duqii hore ee magaalada New York Michael Bloomberg iyo aasaasaha CNN Ted Turner ayaa ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee baaqaasi aqbala sanadkii 2010.

Sanadkii 2015 aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg iyo xaaskiisa Priscilla Chan ayaa ku biiray liiska, iyagoo sheegay inay bixin doonaan 99% saamiyada ay shirkadda ku leeyihiin.

Wuxuu sheegay inay maalkooda ugu deeqayaan hay`adda Chan Zuckerberg Initiative si ay dunida uga dhigaan meel wanaagsan oo ay ku noolaato gabadhooda Max.

Mr Bezos kama mid aha dadka baaqan aqbalay. Sanadkii hore wuxuu $2bn ugu deeqay hayad si loogu caawiyo dadka hoy laaanta ah iyo in lagu dhiso iskuullo .

Tallaabadan ayaa mudatay cambaareyn kaddib markii Bezos lagu eedeeyay in aanu si wanaagsan ula dhaqmin shaqaalihiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top