Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti

focus

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti

(SLT-Jabuuti)-Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Ethiopia, Gedu Andargachewu ayaa kulan qasriga Madaxtooyada ee dalka Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.

Booqashadan Wasiirka Arimaha dibada Ethiopia uu ku tagay dalka Djibouti ayaa ahayd mid si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi, waxaana la socotay hambalyo xilka wasiirka ee loo magacaabay loogu hambalyeeyey.

Madaxweynaha dalka Djibouti wuxuu balan qaaday in dawladdiisu ay hore usii wadayso xidhiidhka adag ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo Djibouti.

Wasiirka Arimaha dibada dalka Ethiopia Gedu Andargachewu ayaa isaguna dhiniciisa sheegay inay hore u sii wadayaan xidhiidhka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dal, Gaar ahaana ay isla soo qaadeen Madaxweynaha dalka Djibouti xidhiidhada siyaasada iyo dhaqan-dhaqaalaha ee labada dal ay wadaagaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top