Connect with us

somalilandtoday.com

“Somaliland Iyo Puntland Waxaan U Aqoonsannahay Inay Hoostagaan Soomaaliya…” Itoobiya

focus

“Somaliland Iyo Puntland Waxaan U Aqoonsannahay Inay Hoostagaan Soomaaliya…” Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay madaxnbannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.

“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Somaliland.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top