Connect with us

somalilandtoday.com

Masuul Loo Xidhay Sawirka Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Oo Dirays Millatari Loo Xidhay

focus

Masuul Loo Xidhay Sawirka Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Oo Dirays Millatari Loo Xidhay

(SLT-Nairobi)-Masuul reer Kenya ah ayaa la xidhay isaga oo lala xidhiidhiyay gaadhi uu ku sawiran yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya oo dhar millatari loo xidhay, sida uu ku warramay wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard.

Ninkan la xidhay oo lagu magacaabo Julius Macharia ayaa ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Kiambu, gobolkaas ayaa dhaca badhtamaha dalka Kenya, ayuu intaas ku sii daray wargeyska.

Masuulkaas waxaa lala xidhay darawalkiisii.

Waxaa lagu eedeeyay in ay baska yar ku sawireen garaadaha ciidammada iyo calanka Kenya, arrintaasina ay sharci darro ka tahay Kenya.

Labadooduba midna kama hadlin.

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in xidhitaankaasi uu yahay mid aan sharci ahayn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top