Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Sacuudiga

focus

Madaxweyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo magaalada barakaysan ee Makkah kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu dambeeyey ee dalalkaas, arrinta Yemen iyo Kooxda Xuutiyiinta oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaaday danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top