Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Iiraan Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Wada-Hadlaan Mareykanka

focus

Dowladda Iiraan Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Wada-Hadlaan Mareykanka

(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani waxa uu maanta sheegay inay Maraykanka la bilaabi karaan Wada-xaajood, haddii ay dalkiisa ka qaadaan Cunaqabataynta saaran.

Hadal-qoraal oo uu soo saraay oo laga baahiyey Telefishinka Iiraan ee ku hadla Afka Englishka ee PRESS TV waxa uu Madaxweyne Xasan Ruuxaani sheegay inay furan yihiin Albaabadda Wada-xaajoodka, loona baahan yahay inay Maraykanka qaadaan Cunaqabataynta iyo inay xaqiijiyaan ballamada ay qaadaan.

Dhinaca kale, La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton waxa uu ku eedeeyey Iiraan inay ku lug lahaayeen weerarkii bishan lagu qaaday Maraakiibta shidaalka ee marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka.

Dowladda Iiraan waxay horey u beenisay Eedeyntaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top