Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada Masar Oo Xabsiga Dib Ugu Celisay Saxafi Ka Howlgala Tv-ga Al Jazeera

focus

Dowlada Masar Oo Xabsiga Dib Ugu Celisay Saxafi Ka Howlgala Tv-ga Al Jazeera

(SLT-Qaahira)-Wariyaha Tv-ga Al Jazeera Maxamuud Xuseen ayaa markale dib loogu celiyay gaal shiraha Tora ee dalka Masar sababo aan la Shaacin.

Qoyska saxafigaan ayaa war saxaafadeed ay soo saareen salaasadii shalay lagu sheegay in baadhitaan cusub oo ka dhan ah wariyaha ay furtay dowlada Masar.

Saxafigaan ayaa xukun la,aan hore xabsiga ugu qaatay in ka badan 880 maalmood.

Khamiistii la soo dhaafay oo Taariikhdu aheyd 21-da bisha May ayey aheyd markii maxkamada Masar ay amartay in xabsiga laga sii daayo wariyahan u shaqeeya Tv-ga laga leeyahay dalka Qatar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top