Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Dhalasho Siinaya Kumanaan Carruur Ah Oo Aabbeyaashood Ajaanib Yihiin

focus

Imaaraadka Carabta Oo Dhalasho Siinaya Kumanaan Carruur Ah Oo Aabbeyaashood Ajaanib Yihiin

(SLT-Dubai)-Kumanaan Carruur ah ayaa Dawladda Imaaraadku Go’aansatay inay siiso dhalashada Dalkaasi.

3,354 Carruur Gabdho iyo Wiilal ay dhaleen Dumar u dhashay Imaaraadka oo ay guursaday Rag Ajaanib ah ayaa la siinayaa dhalashada Imaaraadka, sida uu baahiyey Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka.

Maamulka Federaalka ee Aqoonsiga iyo Dhalashada ayaa ku dhawaaqay in hawshaa la dhaqan-geliyey habeenkii Isniinta oo Xalay ahayd, lana dhamaystiray codsiyadii arrintaa la xidhiidhay.

Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka ee Magaceedu yahay Wam ayaa sheegtay in si loo xaqiijiyo nidaamyada lagama maarmaanka ah ee muwaadiniinta loogu talagalay dadka u qalma la soo dhameeystiro uu hawshaa si toos ah u maamulayo Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Khalifa.

Warku wuxuu intaa ku daray in sababta dhalashada loo siinayo Carruurta ay dhaleen hooyooyinka Imaaraadku ay tahay in aanay si toos ah u noqon karin Muwaadiniin Imaraati ah, maaddaama oo ay dhaleen Aabbeyaal aan Imaaraadka u dhalan.

Carruurtan ayaa hore ugu diwaangashanaa dhalashooyinka Aabbayaashood ilaa 2011-kii, laakiin markay gaadhaan 18 jir waxay ku codsan doonaan Baasaaboorka, iyagoo Imaaraati ah, sida Warku sheegay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top