Mar la weydiiyay halis uu Sucuudigu ka cabsi qabo oo kaga imanaysa Iran, wuxuu Madaxweyne Geele yidhi,”Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo Islaamka, weerarkii diyaaradaha drone-ka ee dhawaan lagu soo qaaday dhuumaha shidaalka waanu cambaaraynaynaa, sidoo kalena weeraro kale oo lagu qaaday Makkah iyagana waanu cambaaraynaynaa.”
Madaxweyne Geele wuxuu sheegay inuu xidhiidh taariikhi ahi ka dhexeeyo Djibouti iyo Sucuudiga, isagoo sheegay in Sucuudigu qayb libaax ka ciyaaray xorriyada ay Djibouti heshay sannadkii 1977.
Mar la weydiiyay xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya oo uu Sucuudigu isu soo dhawayntooda ka shaqeeyay, wuxuu yidhi, “Is afgaradkaasi wuxuu sababay inuu soo noqdo xidhiidhkii, lana dhiso xidhiidh is aaminaad ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele, isagoo intaas raaciyay inuu rajaynayo in isfahamkaas bilaabmay uu sababo in la calaamadiyo xuduuda ay Ereteriya iyo Djibouti ku muransanyihin.
Madaxweyne Geele wuxuu wargeyskan u sheegay in Djibouti door muhiim ah ka ciyaarto daminta khilaafaadka gobalka iyo bariga Afrika, isagoo sheegay inay Djibouti si dhow ula socoto xaaladaha ka aloosan dalka Suudaan.