Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa guddoomay farriinta martiqaadka, taasoo uu keenay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Abdulatif Bin Rashid Al Zayani oo ku sugan magaalada Doha.
Shirka degdega ee ka dhacaya magaalada Makkah Al-Mukarama ayaa isugu jira labo qeybood oo kala ah shirka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa dalalka Khaliijka, kaasoo looga hadlayo weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay weerareen maraakiib shidaal ah iyo dhuumaha shidaalka
Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudi Carabiya, Egypt, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhka u jaray Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo cirka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay beenisay eedeymahas.