Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Xidhiidhka Carabaha Ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina Oo Shir Muhiim U Ah Somaliland Ka Qaybgalay +SAWIRRO

advertise

Xoghayaha Xidhiidhka Carabaha Ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina Oo Shir Muhiim U Ah Somaliland Ka Qaybgalay +SAWIRRO

(SLT-Jiddah) Xoghayaha xidhiidhka carabaha ee Xisbiga WADDANI Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa shir Somaliland mihiimad u laha oo uu ku sharxay qadiyada Somaliland wuxuu kaga qayb galay Dalka Sacuudiga. Qoraal uu arrimahaas kaga hadlaayo ayaa u dhignaa sidan .

Amiir Cabdulcasiis Bin Cabdulmajiid Bin Cabdulcasiis Aala Sucuud, qaar ka mid ah diblomaasiyiin, Wasiiro hore, janaraalo, Dhakhaatiir, qaar kamida tujaarta waaweyn ee Sucuudiga, Sheekha ama Suldaanka guud ee Beelaha maxamad Bal-Axmar iyo saxafiyiin ruugcadaa ah ayaa ka soo qeyb galay kulan casho sharfeed ahaa oo uu noo sameeyay mid ka mid ah ragga ilaahay wax siiyey ee ganacsatada waawayn ee Jeddah iyo Sucuurigaba ah.

Amiirka oo midigtayda fadhiya ayaa ahaa mas’uul sharafeedka xaflada waxa aan muddo xoogaa ah gaar uga sheekaysanay dalkayga Somaliland iyo xaalkiisa guud, wanaagiisa, amnigiisa, fursadaha ganacsi ee baaxada leh ee yaalla, kheyraadka ku duugan iyo maalgashiyada balaadhan ee ka bannaan, walaalayaal sida aan hore idiinku sheegay goob-waliba hadal ku haboon ayay leedahay, anigu sida ragga qaar ma taraaro mawjadana kama baxo.

_Dadkaygoow_Raxmaan_Babaynu_leenahay

              Ahmed Safiina 

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top