Guddoomiye Jirdeh, oo ah shakhsiyad mujtamaca Soomaaliyeed meel uu joogaba uu tixgelin weyn u hayo, wuxu ina siiyey faahfaahin aan hore loo hayn, oo ay ka mid yihiin mowqifyadii dhinacyadu kala qaateen (sidaan u fahamy):
1. Waddani, si xatabadda commissionka looga tallaabsado, wuxu soo jeediyey intirada commission-ka doorashooyinku ahaato toddabadeedii xubnood, sida ay imika tahay, laakiin xisbi kastaa ku yeesho labo xubnood (6 xubnood) iyo hal xubin oo madaxweynaha lagu maamuuso. Macnihii, xisbi-xaakimku wuxu helayaa 3 xunbood. Laakiin waxa arrinkaa ganafka ku dhuftay Kulmiye oo yidhi, xubinta guurtida madaxweynahu qaadam maayo. Xaasha!
2.Kulmiye wuxu soo jeediyey in hadda la magaacabo 7 xubnood oo cusub oo saamigii hore lagu kala qaato, la sii shaqaysa guddida hadda jirta, shaqadana la wareegta marka commissionka hadda jira kalkiisu dhamaado. Ogow, waxay soo jeediyeen labo commission oo is-dulsaaran, “Jini-jini dulsaaran”, sida Jirdeh u sawiray. Waddani way aqbaleen iyagoo aan garan karin sida taasi ay sharciyadda u waafiqi karto, waxay se shardi uga dhigeen in UCID iyo Waddani 4 xubnood ku yeeshaan; laakiin Kulmiye diiddan buu ka hor-keenay.
3. Kulmiye iyo Ucid waxay soo jeediyeen in tirada commissionka laga dhigo 9 xubnood, saddex xubnood xisbi kasta, kaas oo dhaqan gelaya doorashada dambe ee tan December 2019 dhacaysa ku xigi doonta. Waddani wuxu isla soo taagay taasi waa ar-dambe iyo calalaheedee; ee imika inoogu dhawaaqa warkaa wacan. Kulmiyee diiddan buu isla soo taagay mar kale.
Maxaa kaaga baxay halkaa? Aniga waxa iiga baxay is-gorgorin wacan baa dhacday. Waddani wuu ka tanaasulay kala dirkii commissionka, waxase uu fahmay isleegta xisaabta gorgorinta siyaasadda, taasoo ka dhigan tirada xubnaha iyo muddada la hirgelinayo ayuu marba mid dalbanayey.
Marka aad daalacato mowqifyadaa la kala qaatay, waxa kuu soo baxaysa in xisbiga Kulmiye tanaasulkiisu yahay doorashada dambe, tan hadda maya.