(SLT-Hargeysa)-Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa qormo xasaasi ah wuxuu ka qoray beel lagu eedeeyo Soomaaliya iyo cidda ku eedaysa.
Muniir Axmed Cigaal oo qoraal ku
daabacay bartiisa Facebook-ga wuxuu u dhignaa sidan:
“Ilaa markaan gaashaan qaaday horaanti Sagashamaadki waxan ku kacaamay
Garxajis waa Soomaliwayn…. Marar badan waxaan is waydiiyay siday Soomaliwayn
ku yihiin ma qaybo beeshaas ah ayaa Jubbooyinka la haysta amma degan. Ololihii
Doorashadii 2017-kii Kalmadii ugu waynayd ee Murashaxii KULMIYE xanbaartay
waxay ahayd “Garxajis lagu aamini maayo Jamhuuriyadda Somaliland “ Oo waayo
inta yadii tidhina dheg jalaq looma siin, Somaliland ta kale ma lahayn ee Isaaq
uunbay ahayeen wixii laha .
December 2016-kii ayaanu annagoo ah Waftiga Xisbiga WADDANI waxaanu safar
shaqo ku tagnay Caasimadda Dalka KENYA ee Nairobi, Wafti ballaadhan oo
Somaliland oo dhan ka kooban ayaanu ahayn sidaad Sawirka ka aragtaan, markiiba
waxa la yidhi Siyaasiyiin Soomaliwayn ah ayay Waftigii WADDANI Nairobi kula
kulmeen. Dadka suuqu iskamay odhane Murashaxii KULMIYE Muuse Biixi oo hadda
Madaxweyne ah ayaa yidhi “Waa In labada Gole Deg Deg isugu yimaadaan khiyaamo
Qaran ayaa dhacday waayo Madaxdii WADDANI ayaa Nairobi xubno Soomaaliya ah ku
arkay oo kula shiray“. Alle waa ogaa IGAD iyo Midawga Yurub iyo Midawga Afrika
iyo Beesha Caalamka Safiiradooda oo Maraykanku ku jiro ayaanu la kulanay.
Markii aanu ka hadalnay gaar ahaan aniga Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa la
yidhi “idnka Huteelka ayaa laydinka tagay oo Dr. Maxamed Fadal, Guddoomiye
Cirro iyo Siyaasi Ismaciil Buubaa ayaa shirka galay .. Waa saddex xubnood oo
Waftiga ka mid aha oo isku beel ah.
Haddii hadaba maanta Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu si kasta ula kulmaam Farmaajo
iyo siyaasiyiinta Soomaliwayn Sharci ka yaala iyo cid ku shaanbadaynaysa ma
jirto, bal iska daaye waxa la odhanaya “Qaranka ayay u shaqaynayaan waa
Mujaahidiin oo loo war wari maayo”. Guddoomiye Cirro-na markii Soomaliya ay
dhaaftay Qatar ?? buu la kulmay ayaa bahalo
galin laynooga dhigay . Haddaba Mar haddii waxa waxan isku samaynayaa Isaaq
dhexdiisa tahay, siyaasad maha ka sii gundheer xeeshu, Ninka Walalkaa ah ee aad
mar hore gacani kaga dhacday arrinkaas ee laga heshiiyay ee Dastuurka aad u
wada codayseen ee Halgankii kula halgamay ee hadduu doono ka dhimashada badnaa
ee hadana aad Doorasho isagoo kula galayaa tidhi meel aad wada leedihiin ku
aamini maayo ee ay ku shaqaysay ee ku dhacay, ee aanad ka raali galin markaad
soo baxday ee kursigii timi ee hadana isagoo dhacay oo aad ku fogaysay
Calankale & Dalkale ayuu la haysta wali aad ku sii wado ee Xanteena waxba
inooma kala qarsoone wali aad leedahay waa Soomaliwayn, ee aadigu aad maalin
walba la kulmayso kuwaad isaga ku nabayso waa laba mid uun.
In kuwa Soomaliwayn lagu eedaynaayo inay yihiin (Beesha Garxajis ) ay iyagu
waalan yihiin ileen haddii kale garbay u dhigan la hayeen oo amma waa lagu
cadayn laha amma Edab darrada mar danbe loo lama yimadeene iyo in Isaaqa kale
waalan yahay oo garan la yahay waar Nimankan ka hadha aad walaalaha tihiin waa
labada mid uun, qodob saddexaad ma jiro. . Haddaba amma Garxajis ayaa miyirsan
oo Gole madalwayn oo Somaliland joogto u dhigan Isaaq, amma Isaaqa kale ayaa
miyirsan oo dib isugu noqon labadaa mid ayay noqon doonta, haddii kale waligeen
waxaynu ku jirin WADDANI waa qaran dumis iyo Waa Halkii Madaxweyne Muuse Biixi
WADDANI iyo tageerayaashiisu ha ku qancaan 18 May iyo wax la mid ah oo
Somaliland aanay ku sii jiri karin.. .