(SLT-Nairobi)-Guddiga musuqmaasuq la dagaalanka Kenya ayaa baadhitaan ku sameeyay hantida Ferdinand Waititu oo ah badhasaabka deegaanka Kiambu, arrintaas ayaana loo arkaa mid ahmiyad leh.
Waititu ayaa lagu yaqaannaa handadaad iyo dabeecado qalafsan – balse wuxuu xulafo xoog badan la yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta kaas oo isaguna ku tiirsan taageerada siyaasadeed ee uu gobolkaas uga keeno.
Warbaahinta gudaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wax ka qorayay hantida Waititu oo ay ka mid yihiin hanti maguurto ah oo uu ku leeyahay magaalooyinka Kiambu iyo Nairobi.
Waititu ayaa iska difaacay eedaymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in hantidiisa aysan ku soo galin si sharci darro ah, isla markaasna uu sheegi karo raadkeeda.
Madaxweyne Kenyatta ayuu cadaadis isa soo taraya haystaa isaga oo loogu baaqayo in uu hadalka ka gudbo, waxna ka qabto musuqmaasuqa baaxadda wayn ee ay ku kacaan masuuliyiinta dawladda.
Hadda guddiga musuqmaasuq la dagaalanka ee magaciisa loo soo gaabiyo EACC ayaau jihaystay mid ka mid ah xulafadiisa, balse waxaa la arki doonaa in arrintaasi ay horseeddo in dacwado lagu soo oogo.