Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir Hore Oo Deegaan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Geeriyooday Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho

focus

Wasiir Hore Oo Deegaan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Geeriyooday Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.


Dhimashada ayaa la sheegay inay gaadhay illaa 12 qof oo ay ku jiraan askar, sarkaal ciidan iyo dad kale oo rayid ahaa, sidoo kale dhaawaca ayaa gaadhay in ka badan 10 ruux.


Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ceelaabe ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda soo qabtay wakhtigii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilal wasiirnimo oo kale kasoo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, sida dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa waxa ka soo jeedaa degaan ahaan gobolka Awdal ee Somaliland.

Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ahaa La Taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaa uu ahaa dadka ugu khabiirsan ee dowladda Soomaaliya, soona shaqeeyay illaa xilligii Aadan Cadde.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top