Connect with us

somalilandtoday.com

Reer Galbeedka Oo Digniin U Diray Suudaan

focus

Reer Galbeedka Oo Digniin U Diray Suudaan

Guddiga milatariga ee maamula Suudaan ayuu caddaadis ku sii badanayaa si ay dib ugu billaabaan wadahadalladii ay kula jireen hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha, ka dib markii uu hakaday galinkii hore ee salaasad.

Maraykanka, UK iyo Norway ayaa ka digay in haddii xukuumad aan rayid ahayn ay talada qabato ay arrintaasi carqaladayn karto calaaqaadka ay Suudaan la leedahay dawladaha reer Galbeedka.

Hoggaamiyeyaasha dibad baxayaasha ayaa sidoo kale taageerayaashooda ku booriyay in ay isu diyaariyaan dibadbaxyo hor leh iyo shaqo joojin, balse wali wakhti umaysan qaban.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top