Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Fursad Dahabi Ah U Horseeday Nin Soomaali Ah

focus

Madaxweyne Trump Oo Fursad Dahabi Ah U Horseeday Nin Soomaali Ah

(SLT-Washington)-Xayiradii socdaalka ee Madaxweynaha Markaykanka, Donald Trump ayaa si guud u saamaysay Soomaalida. Dadka uu arinkani saameeyay waxa ka mid ahaa dad ku nool dalka Kenya. hadalhaynta arinkaas ayaa ku badan bulshada, inta badan dadku waxay qabeen rajooyin ah in ay heli doonaan fursad ay ku tagaan dalka Mareykanka.

Sharmarke Cali Jaamac waa wiil dhalinyaro ah oo ku nool xaafada Islii ee ay Soomalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi.

”Kenya waxan imid sannadkii 2014-kii, dagaallo ayaa ka jiray dalkayga, waxaan u imid halkan in aan la midoobo qoyskaygii oo aan anigu ugu yarahay, Aabahay iyo walaaladay oo jooga dalka Mareykanka gobolka Minasota, maalintaas go’aanka xayiraadu soo baxay, waxay ii ahayd maalin madow”, sidaas waxa BBC-da u sheegay Sharmarke Cali Jaamac

Go’aankan siyaabo kala duwan ayuu u saameeyey Soomaalida waqtigaas ku hawlanayd la midoobitaanka qoyasaskooda, gaar ahaan dhalinyarada oo iyagu ah kuwa ugu jecel dhoofitaanka, qaar kamid ah dhalinyaradan ayaa uu tahriibay si ay Maraykanka ay u gaari lahaayeen. Sharmaarke wuxuu qaatay go’aan taariikhi ah oo noloshiisa u horseeday harumar.

”Waxa ii soo baxday fursad kale oo dahabi ah oo dalka Kenya ah, fursadaas oo ah in aan dib ugu fakaro sidii aan nolol fiican u sameysan lahaa, waayo Soomaaliya kuma noqon Karin, Waalidkay iyo walaalahayna uma tagi karin, waxan bartay xirfadda suuqgaynta oo manta aan noloshayda ku mareeyo farxadna u ah waalidkay iyo anigaba”

Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada, hadii ay sida wanaagsan u maareeyaan noloshooda, waxay kaga badbaadaan ku biirista kooxaha dambiilayaasha ah iyo ku dhiirashada tahriibta oo ah dhibaatada ugu badan ee haysata. Dhalinta Soomaalida ee tahriibta, inta badan waxaa la sii mariyaa dalka Koofurta Sudan oo ay uga sii gudbaan dalka Liibiya si ay ugu tallaabaan dhanka Yurub.

Fursadan uu helay Sharmaarke waxay tusaale wanaagsan u tahay dhaliyarada, “hadii aad la timaado fikrad ka duwan tan aad ku tahriibayso waxa aad aburan kartaa nolol ka fiican mida aad ku fikirayso in aad ka helayso wadamada galbeedka”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top