Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Kenya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Dalab Ka Yimid Ururka Al-Shabaab

focus

Dawladda Kenya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Dalab Ka Yimid Ururka Al-Shabaab

(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ayna wada xaajood ku aadan sii deynta dhakhaatiirta Cuba ee laga Afduubtay Mandera ayna la gali doonin Ururka Al-Shabaab.

Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya Monica Juma oo kulan la qaadatay talaadada maanta madaxa arimaha siyaasada dibeda ee midowga Yurub Frederica Mogherini, ayay sheegtay in Kenya wada xaajood lacag madax furasho ah ay la gali doonin kooxda Afduubka ka Danbeysay.

Ms Juma ayaa intaa raacisay in Kenya ay wado howlgalada lagu badbaadinayo labada dhakhtar ee u dhashay Cuba.

Dr Herera Corea iyo Dr Landy Rodriguez ayaa 12-kii April la afduubtay xilli ay ku sii jeedeen Cisbitaalka magaalada Mandera.

Weerarka lagu afduubtay howlwadeenadan caafimaad ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka maamulka ee kenya oo loo yaqaan AP-da.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii odayaal Kenya ay u soo dirtay gudaha dalka ay sheegeen in kooxda afduubka geysatay ay dalbanayaan madax furasho dhan 150 million oo Dolar ka Mareykanka.

Dhakhaatiirtaan ayaa la sheegay in ay badqabaan sidoo kalena adeeg caafimaad ay u sameeyaan bulshada ku nool deegaanada ismaamulka Jubbaland oo Al-Shabaab Maamulaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top