Connect with us

somalilandtoday.com

“Haddii Iran Ay Dooneyso Inay Dagaalanto, Waxey Noqoneysaa Dhamaadka Jirintaanka Iran…” Madaxweyne Trump Oo Digniin Kulul U Diray Iran

focus

“Haddii Iran Ay Dooneyso Inay Dagaalanto, Waxey Noqoneysaa Dhamaadka Jirintaanka Iran…” Madaxweyne Trump Oo Digniin Kulul U Diray Iran

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

Fariin uu soo dhigay boggiisa Ttwitterka Axaddii shalay ayuu ku yiri Madaxeyne Trump “Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka Jirintaanka Iran.

Sadex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadaladdii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo.

Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu Trump ku jawaabay “ma rajeynayo”

Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Iran.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top