Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Scott Morrison Oo Guul Ka Gaardhay Doorashada Australia

focus

Raysal Wasaare Scott Morrison Oo Guul Ka Gaardhay Doorashada Australia

(SLT-Australia)-Xisbiga haya talada Australia ee Liberal-led conservative ayaa guul ka gaadhay doorashada baarlamaaniga ee Sabtidii shalay ah ka dhacday Dalkaasi.

Arintaan ayaa timid kadib markii sida la filayay uusan wax guulo ah aanu la imaan xisbiga Mucaaradka ah ee Shaqaalaha.

Ma cadda in isbaheysiga haya talada uu u baahnaan doono wada xaajood uu la galo xisbiyada kale si loo soo dhiso dowlada Cusub.

Ra’isul wasaare Scott Morrison, oo intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada balan qaaday in uu dhimayo canshuurta dowlada, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha Australia ayaa sheegay in uu aaminsanaa marwalba Guusha uu gaaray Xisbiga haya Talada.

Morrison ayaa intaa raaciyay in dowladiisa ay u shaqeysay muwaadiniinta Australians ee sida adag u Shaqeeyay.

Si kastaba ha ahaatee dowlada cusub ayaa la filayaa in ay bilowdo guryo iyo lacagaha howlgabka ay u kordhiso dadka da’da ah ay nolol wanaagsan u Helaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top