()Sweden) Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa faqidaad ku sameeyay khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Munaasibada 18 May. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.
8-Sanno Axmed Siilaanyo oo aha Guddoomiyhii KULMIYE Madaxweyne Daahir Rayaale Munaasibad 18 May kalama qayb galin, Madaxweyne Muuse Biixi 2-sanno ayuu Hoggaamiyihii Mucaaridku aanu agtiisa fadhiisan qayladaas deg dega ah lama filayn…
Xuska 18 May oo mucdiisi maanta Hargaysa laga xusay nabad ayay ku soo dhammatay Alxamdulillaah. Aniga iyo Muwaadin kastaaba halku joogay ayuu ku xusay… Waxaan midh ka odhanayaa khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee Maanta 18 May uu jeediyay..
1 .. Madaxweyne Biixi muddada Xilka uu hayay oo hadda baarka la gashay sannad iyo sideed bilood, wuxuu ku qiray khudbadiisi kana horena Waddanka intuu Xilka hayay uga muuqatay in dhaqaale la’aani Xukuumadiisa ay hayso, isagoo sababta ugu wayn ee taasi ku timina ku sheegay dhoofkii Xoolaha Nool oo is taagay, in kasta oo Xukumadihii ka horeeyayba aanu Dhoofka Xooluhu socon. Muddada labada sanno ku dhaw waxqabad muuqda oo KOW iyo LABA la yidhaahdo oo u qabsoomay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa ma soo bandhigin Madaxweynahu, marka laga reebo, Goobo Caafimaad oo hore u jiray oo la rinjiyeeyay, mashruuca shaqo Qaran oo aan wali midha dhalkiisa bulshadu dareemin waxna aan ka badalin busaaradii iyo shaqo la aantii Dhalinyaradda haysay.
2… Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi khudbadiisu waxay u muqanaysay sidii marar hore dhacay qorshe la’aan aanu qorshe u dajisan ka lahayn arrimaha maarayntoodu isaga iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo ay u taalo. “Haddii aynu ganacsatadeena iyo dhammaanteen aynu isu tagno, hadaynu Dawladaha wax maal gashada u yeedhano, dhammaanteen hadaynu isugu tagno “ Weedhahaasi waxay kamid ahayeen halqabsigii Madaxweynaha iyadoo hoggaamiye ahaan ay ka mudnayeen waxaas waanu ka qabanay waxaana noo qorshaysan taas iyo taas aragtidaas hoggaamineed kama muuqan..