Connect with us

somalilandtoday.com

Iiraan Oo Meesha Ka Saartay Wadahadal Ay La Gasho Mareykanka

focus

Iiraan Oo Meesha Ka Saartay Wadahadal Ay La Gasho Mareykanka

(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka ficilada uu ka wado bariga dhexe iyo cunaqabateynya uu ku soo rogay arin aan la aqbali Karin.


Arintaan ayaa timid iyadoo Washington ay xoojisay cadaadiska ay ku heyso dowlada Islaamiga ah ee Iiraan.

Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo Javad Zarif oo Khamiista maanta ah ka hadlayay magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa wuxuu sheegay in Tehraan aysan wadahadal la gali doonin Washington.

Wuxuu intaa raaciyay in ficilka ku haboon ay ka bixin doonaan millatariga Mareykanka uu ku daabulay bariga Dhexe.


Zarif ayaa intaa raaciyay in ay aaminsan yihiin xadgudubka Mareykanka uu yahay wax aan la aqbali Karin.
Wasiirka arimaha dibeda Iiraan oo mudo todobaad ah safar dibada ah uga maqan dalka Iiraan ayaa la filayaa in Jimcaha barri ah uu u duulo dalka Shiinaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top