Connect with us

somalilandtoday.com

“La Dagaalanka Al-Shabaab Ayaan Somaliland Kala Hadlay…..” Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya

focus

“La Dagaalanka Al-Shabaab Ayaan Somaliland Kala Hadlay…..” Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb Ben Fender ayaa sheegay in uu Somaliland kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka Alshabaab iyo muranka xisbiyada ee dhanka doorashooyinka oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo wakhti dheer dib u dhacsan.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ku yidhi “Waxaan ka soo laabtay saddex maalmood oo Hargeysa ahaa, Madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha, Komishanka iyo Xisbiyada waxa aan kala hadlay la dagaallanka Alshabaab, horumarinta in sharcigu sarreeyo, ka jawaabidda abaaraha iyo taageeridda koboca,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ben Fender.

Waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka waxaanu sheegay in xisbiyada looga baahan yahay xal degdeg ah si hore loogu socdo. waxa uu tilmaamay in ay wakhti dheer tahay in aanay doorasho qabsoomin 14 sannadood( doorashadii wakiillada ee u dambeysay oo ahayd 2005-2019).

Back from three days in Hargeisa. Talks with President, Interior Min, NEC and parties on fighting Al-Shabaab, improving rule of law, responding to drought and supporting growth. On parly elections, now urgent for parties to find a way ahead; a 14 year gap is much too long! pic.twitter.com/W4OCiBlY3Y

— Ben Fender (@benfenderfco) May 16, 2019

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top