Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Oo Xabsi Adag Ku Riday Saddex Ka Mid Ah Maxaabiis U Dhashay Lubnaan

focus

Imaaraadka Oo Xabsi Adag Ku Riday Saddex Ka Mid Ah Maxaabiis U Dhashay Lubnaan

(SLT-Dubai)-Maxkamad sare ee Imaaraadka ayaa xukun xabsi ah ku riday saddex muwaadin oo u dhashay Lubnaan kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro Argagixiso.

Maxkamada fedaraalka ayaa todobaadkii hore dhageysatay dacwadii u dambeysay oo la xidhiidha eedaha loo jeediyay sideeda nin ka hor inta aan maanta la Xukumin.

Mid ka mid ah raggaan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in halka laba kale oo ka mid ahaa sideedan nin lagu xukumay min 10 sano oo xabsi Ah.

Xukunkaan ayaa waxaa cambaareeyay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxaana ay ku tilmaantay xukun aan cadaalad Aheyn.

Hey’ada ayaa war saxaafadeed ka soo baxay ku sheegtay in maamulka Dubai uu diiday in qareenada u doodayay muwadiniintaan in ay ka soo hor muuqdaan intii ay socotay Dacwadooda.

Dhamaan sideeda qof ee Imaaraadka ku eedeeyay in ay qorsheynayeen falalka argagixiso ayaa ah dad shiico ah oo howlo shaqo mudo sannado ah qaarkood u joogay Imaaraadka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top