Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Eritrea Oo Xidhay Baraha Bulshada

focus

Dawladda Eritrea Oo Xidhay Baraha Bulshada

(SLT-Eritrea)-Baraha bulshada ayaa laga xidhay dalka Eritrea, dadka ayaana fariimo ka soo diraya dalkaas iyaga oo adeegsanaya adeegga VPN-ka loo yaqaanno.

Ma cadda sababta loo xidhay, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegay in dawladdu ay u xidhay baraha bulshada si ay uga gaashaamato in lagu abaabulo dibadbaxyo lagu carqaladaynayo maalinta xoriyadda ee 24 May

Dareenka ka dhashay isbadal la’aanta siyaasadeed ee Eritrea ayaa sii xoogaysanaya, xisbiga kali kali ah ee dalkaas ka jira ee madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalkaas hoggaaminayay tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1993-dii.

Website-ka wax ka qora arrimaha internetka ee Internet World Stats ayaa sheegay in Eritrea ay tahay dalka ugu internet isticmaal yar dunida oo dhan. Sannadkii 2018, 71,000 oo qof ayaa internet ka isticmaali jiray, dadkaas ayaana bulshada Eritrea ka noqonaya 1.3%.

Isgaadhsiinta Eritrea waxaa si adag u maamusha dawladda, warbaahin gaar loo leeyahayna ma jirto, internetkana taleefannada lagama isticmaali karo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top