Connect with us

somalilandtoday.com

Canada Oo Si Degdeg Ah Ugu Baaqday Shiinaha In Uu Sii Daayo Laba Muwaadin Oo U Dhashay Dalkeeda

focus

Canada Oo Si Degdeg Ah Ugu Baaqday Shiinaha In Uu Sii Daayo Laba Muwaadin Oo U Dhashay Dalkeeda

(SLT-Canada)-Dowlada ayaa ka dalbatay Shiinaha in uu sii daayo laba muwaadin oo u dhalatay dalkeeda kuwaasi oo muddo bilo ah ku xidhan dalka Shiinaha.

Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau oo ka hadlay arrintaan kadib kulan uu la qaatay guddiga amniga ayaa wuxuu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin.

Michael Spavor iyo Michael Kovrig ayaa la xidhay 10-kii bishii December kadib markii dowlada Canada ay xidhay madaxii shirkada Iagaarsiinta taleefanada Shiinaha ee Huawei Meng Wanzhou.

Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay sanadkii hore Mr Meng in uu jabiyay sharciga ganacsi ee Mareykanka kadib markii macaamil uu la galay shirkado laga leeyahay Iiraan.

Mr Trudeau oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Paris ayaa sheegay in dowlada Shiinaha aysan wadiiqo sharci ah u marin Xadhigaan.

Waxaan wadi doonnaa in aan difaacno muwaadiniinteena waxaana si cad u leenahay ma aqbali karno ficilka Shiinaha ay ku xirtay diblumaasigii hore Kovrig iyo ganacsadaha lagu magacaabo Spavor.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top