Connect with us

somalilandtoday.com

Aminga Masaajidada Ku Yaalla Dalka Maraykanka Oo La Adkeeyey

focus

Aminga Masaajidada Ku Yaalla Dalka Maraykanka Oo La Adkeeyey

(SLT-Washington)-Masaajidada ku yaalla dalkan Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connectinut dab la qabadsiiyay. Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay’addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habbeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda.

Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay’adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, ka dib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul banaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan.
Waxaa dibadbaxa qeyb ka ahaa Jeylani Xuseen, oo ah madaxa laanta gobolka Minnesota ee ha’yadda CAIR oo ah hay’ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top