Connect with us

somalilandtoday.com

Biriijkii Sariimadda Dhuurta Ee Magaalada Burco Oo Go’ay

focus

Biriijkii Sariimadda Dhuurta Ee Magaalada Burco Oo Go’ay

(SLT-Hargeysa)-Roobab ka da’ay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa gooyey Biriij ay Isticmaali jireen Dadka ku Ganacsada ama kuwa ka adeegta Sariimadda Xaafadda Dhuurta ee Magaaladaasi.

Buundadan oo loogu talo-galay inay Dadweynuhu isticmaalaan ayaa waxa gooyey Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayey Magaalada Burco.

Haweenka ku Ganacsatada Suuqa Buundadii loo marayey Go’day oo Arbacada Saaka Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dan ku qabeen Biriijka go’ay, saakana ay ka soo wareegeen meel aad uga fog suuqa ay ku ganacsadaan, sidaasi darteedna ay u baahan yihiin in si dhakhso ah loogu dayac-tiro.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top