Maraykanka iyo EU-da ayaa si weyn ugu kala fogaaday siyaasada ku aadan dalka Iran, waxayna Midowga Yurub sheegeen inay weli taageersan yihiin heshiiskii caalamiga ahaa ee dalka Iran wax ka saxiixay sanadkii 2015, kaasi oo lagu xakameeyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Tehran, walow uu Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka sheegay inuu ka baxay heshiiskaasi.
Xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa olole weyn ugu jiray in la burburiyo heshiiskii 2015 iyo waliba in duulaan militari lagu qaado dalka Iran oo ay ku eedeeyeen inuu khatar ku yahay amnigooda.
Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay inay faafiyaan wararka sheegaya in qaar kamid ah Maraakiibtooda shidaalka weeraro lagu qaaday, xili Maraykanka uu sheegay inuu la socdo qorshe Iran dooneyso inay ku weerarto dalalka jaarka la ah ee Khaliijka iyo saldhigyada uu Maraykanka ku leeyahay dalalkaasi.