Connect with us

somalilandtoday.com

Cumar Xasan Al-Bashiir Oo Loo Maxkamadeeyay Danbiyo Uu Galay Intii Uu Madaxweynaha Ka Ahaa Suudaan

focus

Cumar Xasan Al-Bashiir Oo Loo Maxkamadeeyay Danbiyo Uu Galay Intii Uu Madaxweynaha Ka Ahaa Suudaan

(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa loo maxkamadeeyay dilka dibadbaxayaal ka soo horjeeday oo ka dhacay dalkaasi kuwaasi oo soo afjaray mudo 30 sano ah uu xilka Hayay.

Xukunkaan ayaa imaanaya iyadoo isniinta shalay gudiga qaran ee milatariga iyo madaxda dibadbaxayaasha ay dib u bilaabeen wareegii labaad ee wadahadalka lagu dalbanayo in milatariga ay xilka ku wareejiyaan dowlad Rayid Ah.

Cumar xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale oo lala maxkamadeeyay maanta ayaa dacwad oogayaasha suudaan sheegtay in ay mas,uul ka ahaayeen dilka dad dibadbax Dhigayay.

Bilowgii bishaan ayay aheyd markii waaxda dacwad soo oogida guud ay amartay in loo maxkamadeeyo danbiyo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore dhaqida lacagaha madow ee Dolar-ka iyo maalgalinta kooxaha Argagixisada.

Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Bakibeer Cabdul Xamiid oo ahaa dhaqtar 25 jir ah oo ciidanka amniga dileen xilli uu isku dayay in uu caawiyo ruux banaanbaxa ku Dhaawacmay.

Banaanbaxa xilka looga tuuray hogaamiyihii hore ee Suudaan ayaa waxaa ka dhintay 100 qof tan iyo dabayaaqadii sanadkii Hore.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top