(SLT-Myanmar)-Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh,markii ay cilad soo wajahdey diyaarad rakaab oo uu waday, wuxuu sameeyay in diyaaradda uu ku dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada.
Captain Myat Moe Aung oo ahaa duuliyihii diyaarada ayaa garoonka diyaaradaha labo jeer ku dul wareegayay isagoo doonayay in lugaha ay u fidsamaan,hase yeeshee markii dambe ayuu go’aansaday inuu diyaarada dejiyo isagoo raacaya talooyin ay siinayeen dadka haga diyaaradaha.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa dhammaan dadkii saarnaa aysan waxyeelo soo gaarin waxaana laga soo dejiyay diyaarada iyagoo bed qaba.
Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada Yangon waxana markii ay ku soo dhowaatay magaalada Mandalay ay awoodi weysay diyaarada in lugaha u baxaan.