Connect with us

somalilandtoday.com

“Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta Sharcigii Lagu Laalay Ee Xildhibaanku Ku Xidhanyahay…” Muniir Axmed Cigaal

English

“Madaxweyne Muuse Biixi Xil Ka Xayuubin Ayuu Ku Mutaysanaya Dastuur- Jabinta Sharcigii Lagu Laalay Ee Xildhibaanku Ku Xidhanyahay…” Muniir Axmed Cigaal

(SLT-Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu maamus ka xayuubin lagu soo gole joojiyo ku mutaysanaayo Dastuur jabin uu ku kacay taas oo ka dhalatay sifihii loo maray xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada.

Qoraal uu ka baahiyay Muniir Axmed Cigaal bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan .

Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya..

Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan..

Wa-bilalahi Tawfiiq..
Muniir Axmed Cigaal
Sweden

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top