Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xoog Leh Oo Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Maxkamadda Magaalada Boosaaso Ee Maamulka Puntland.

focus

Qarax Xoog Leh Oo Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Maxkamadda Magaalada Boosaaso Ee Maamulka Puntland.

(SLT-Boosaaso)-8 qof ayaa ku dhaawacmay qarax xoog leh oo ka dhacay afaafka hore ee Maxkamada derejeda kowaad ee Gobolka Bari ee Magaaladda Boosaaso ee maamul gobolleedka Puntland.

Qaraxan oo lala eegtay gaadhiga guddoomiyaha Maxkamadda Abukar Cabdinuur ayaa dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah garsoore, Taliyihiin Ilaalada Maxkamada, ciidamo iyo haween ku ganacsanayay albaabka hore ee Maxkamada.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay cusbitaalka guud ee Magaalada, waxaana wararku sheegaya in laba ka mid ah dhaawaca ay xaaladoodu halis tahay.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaasi, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dhinaca dowladda Puntland oo ku saabsan qarax ka dhacay Maxkamada.

Dhinaca kale, Qaraxa lala beegsaday ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore, Maxkamada ciidamada ee Puntland ay xukumo dil iyo xabsiyo ku xukuntay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirto maamulka Puntland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top