Connect with us

somalilandtoday.com

“Xaaji Cabdi-Waraabe Waxa Uu Ahaa Oday Soomaaliyeed Oo Wakhtigiisa U Huray Nabadaynta, Iyo Heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed, Gaar Ahaanna Reer Somaliland….” Madaxweyne Farmaajo

focus

“Xaaji Cabdi-Waraabe Waxa Uu Ahaa Oday Soomaaliyeed Oo Wakhtigiisa U Huray Nabadaynta, Iyo Heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed, Gaar Ahaanna Reer Somaliland….” Madaxweyne Farmaajo

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”

“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top