Connect with us

somalilandtoday.com

SOMALILAND: Wasiirka Biyaha Oo Ka Hadlay Dooda Xuska 18-ka May.

focus

SOMALILAND: Wasiirka Biyaha Oo Ka Hadlay Dooda Xuska 18-ka May.

(SLT-Hargaysa)Wasiirka horumarinta biyaha somaliand Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab kulul ka bixiyey qaabkii xildhibaan dhakool uga hadlay xuska 180ka May.


Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraal uu baahiyey waxa uu kaga waramay muhiimada xuska 18-ka May isaga oo ganafka ku dhuftay qaabka uu xildhibaan Dhakool uga hadlay.

Wasiir Koore ayaa tilmaamay inaanu garanayn sababaha keenay in wakhtigan uu xildhibaan Dhakool ka horyimaado xuska 18-ka May isaga oo ka qayb galayey 28 sanadood ee ay somaliland jirtayba.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraalkiisa ku yidhi “”Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay?

Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May.

Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahy” 

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top