Connect with us

somalilandtoday.com

“Maraykanku Kuma Dhacdo In Uu Weerar Millatari Nagu Soo Qaaddo…” Iran Oo Ku Gacan Saydhay Trump

focus

“Maraykanku Kuma Dhacdo In Uu Weerar Millatari Nagu Soo Qaaddo…” Iran Oo Ku Gacan Saydhay Trump

(SLT-Tehran)-Taliye ku xigeenka ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka iran, ayaa sheegay in Tehran ayna wada hadali la geli doonin cadowgeeda Mareykanka.

Yadollah Javani ayaa sidoo kale yidhi “Washington kuma dhacdo inay weerar militari nagu soo qaaddo,” sida ay werisay wakaaladda wararka dalkaas ee Tasnim.

Hadalkiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khamiistii ku booriyey hoggaanka Iran inay la fadhiistaan, oo ay ka wada hadlaan sidii Tehran ay uga tanaasuli lahayd barnaamijkeeda Nukliyeerka.

“Wax wada-hadal ah lama geli doonno America, America-na kuma dhacdo inay tallaabo militari naga qaaddo” ayuu yidhi Yadollah Javani.

Yadollah Javani ayaa sheegay in Iran ay Mareykanka u aragto mid aan la isku haleyn karin.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay Qatar geeyey diyaaradaha bambooyinka xambaara ee B-52 Stratofortress, si looga hortagao wax ay Washington ku sheegtay halis kaga imanaysa iran.

Iran ayaa ku gacan seertay diyaaradahan iyo maraakiib dagaal oo Mareykanka uu diray toddobaadkii tagay, waxayna ku qeexday”dagaal maskaxeed lagu cabsi gelinayo.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top