Connect with us

somalilandtoday.com

Kooxaha Rer England Oo Sannadkan Wacdaro Aan Hore Loo Arag Ka Dhigay Koobabkii Yurub .

English

Kooxaha Rer England Oo Sannadkan Wacdaro Aan Hore Loo Arag Ka Dhigay Koobabkii Yurub .

(SLT-London) Kooxaha Ingariiska ayaa taariikh u sameeyay kubaa cagta iyaga wada qaatay afar boos ee finalka labada koob ee ugu waa weyn tartamada kooxaha Yurub.

Arsenal oo garaacday Valencia iyo Chelsea oo ka talaabtay Eintracht Frankfurt xalay ayaa keentay inay labaduba u soo baxaan fianlka Europa League.

Waxaa taasi raacday guulihii ay Liverpool ka gaartay Barcelona iyo Tottenham ay ka gaartay Ajax ee Champions League.

Markii ugu horeysay taariikhda afarta kooxood ee finalka isagu soo haray labada tartan ee ugu weyn Yurub waxa ay ka imaanayaan hal dal.

Hada ka hor kaliya labo kooxood oo Ingariis oo final isagu yimid ayaa dhacay iyadoo Tottenham ay garaacday Waolves xilli ciyaareedkii 1971-72 ee koobkii UEFA Cup halka Manchester United ay finalka Champions League ku garaacday Chelsea xilli ciyaaredkii 2007-08.

Spain iyagana seddex kooxood ay hal mar u wada soo baxay finalada labada tartan ee qaarada Yurub Iyadoo real Madrid iyo Atletico Madrid ay xilli ciyaareedkii 2015-16 ku tartameen Champions League halka isla xilli ciyaareedkaas ay Sevilla ku guuleysatay Europa League.

“Heerka kubada cagta England waa mid aad u sareeya, Premier League waa horyaalka ugu fiican Yurub” sidaasi waxaa yiri tababaraha Chelsea Maurizio Sarri.

Arsenal iyo Chelsea ayaa ku kulmaya caasimada Azerbaijan ee Baku 29ka bishaan May, iyadoo Arsenal haddii ay badiso ay u soo bixi doonto Champions League xilli ciyaareedka danbe iyadoo noqon doonta kooxda shanaad ee Ingariis ah ee Champions League ka ciyaarta.

Chelsea ayaa durbaba Champions League u soo baxday ka dib markii ay kaalinta afaraad ee horyaalka soo galeen.

Garoonka caasimada Baku ku yaala ee Olympic Stadium waxa uu qaadaa 68,700 taageerayaal ah, UEFA waxa ay koox walba siin doonaa lix kun tikidh waana go’aan ay ka xumaatay kooxda Arsenal.

Tottenham iyo Liverpool waxa ay 1da bisha Juun ku kulmi doonaan magaalada Madrid, iyadoo taareegayaasha labada kooxood ayaa iyagana dhibaato u gooni ah wayahayaan madaama qiimaha tikidhka duulimaadka tooska ah uu noqday 1,300 ginni.

Awooda ay la soo baxeen kooxaha Premier League ayaa la micno ah in koobka UEFA Super Cup ay iyaguna kooxo Ingariis ah ay dheeli doonaan bisha Agoosto. Ciyaartaas waxa ay ka dhici doontaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top