Connect with us

somalilandtoday.com

Wariye Caan Ka Aha BBC Oo Shaqada Lagaga Caydhiyay Cunsuriyad Uu Ka Qoray Wiilka Yar Ee Ku Soo Biiray Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.

English

Wariye Caan Ka Aha BBC Oo Shaqada Lagaga Caydhiyay Cunsuriyad Uu Ka Qoray Wiilka Yar Ee Ku Soo Biiray Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.

(SLT-London)Madaxda BBC-da ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan shirkadda oo lagu magacaabo Danny Baker ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku qoray wax loogu yeeray “hadal edeb darro ah” oo ku saabsan cunuga yar ee ay dhaleen Amiir Harry iyo Mehgan.

Qoraalka, oo hadda laga tiray Twitter-ka, ayaa ku faafay baraha xiriirka bulshada waxaana uu muujinayay sawirka lamaane oo gacanta ka haya daanyeer loo labisay, waxaana uu raaciyay qoraal uu ku yidhi: “Cunuga boqortooyada wuxuu kasoo baxay isbitaalka”.

Baker oo tabin jiray barnaamijyada 5Live ayaa lagu eedeeyay inuu hab cunsurinnimo ah u sheegayay asalka ay kasoo jeeddo amiiradda.

Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yidhi: “Kani wuxuu ahaa khalad aad halis u ah”.

Mas’uuliyiinta BBC-da ayaa intaas ku daray in qoraalka iyo sawirka uu Baker soo dhigay Twitter-ka uu kasoo hor jeedo shuruucda BBC-da.

“Danny waa wariye cajiib ah, laakiin ma sii tabin doono barnaamijkeenna isbuuclaha ah”.

Harry iyo Meghan, oo hooyadeed ay kasoo jeeddo Mareykanka madow, ayaa Arbacadii soo bandhigay wiilkooda cusub oo ay ku magacaabeen Archie Harrison Mountbatten-Windsor.

Baker ayaa goor dambe raalli galin ka bixiyay ficilka uu sameeyay, wuxuuna sheegay in waxa dhacay uusan filaneynin.

Wariyahan 61 sano jirka ah ayaa raadiyaha ka tabin jiray barnaamij baxa dabayaaqada isbuuca.

Baker ayaa dadka ku taxan bartiisa Twitterka oo gaaraya nus malyan ruux waxa uu u sheegay inay suxufiyiin ugu imaadeen albaabka gurigiisa ay ku dhaheen: “Ma waxay kula tahay in dadka madowga ah ay u egyihiin Daanyeerro?”.

Qoraal kale ayuu ku qeexay in ujeeddadiisu aysan ahayn sida loo fahmay, khaladkaasna uu raalli galin ka bixinayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top