Connect with us

somalilandtoday.com

Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Oo Ku Kala Aragti Duwan Somaliland

focus

Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Oo Ku Kala Aragti Duwan Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Somaliland la wada leeyahay, waxaanu sheegay Prof Samater ayaa sheegay in Somaliland la wada leeyahay, halka uu dhigiisa Prof Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay.

Ugu Horayn Prof Samater oo arrintaasi ka hadlaya ayaa sheegay sidan “Somaliland waa la wada leeyahay anniga Jawaabtaydu , markaa maxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .”

Waxaanu intaasi ku sii daray “Waxanu wada leenahay gobanimadii Somaliland ay heshay ee loogu dhawaaqay bishii Juun 26 1960-kii afartii qof ee saxeexayna Magac-yadooda waa la yaqaanayoo Somaliland ballaadhkeeda ayey ka yimadeen afartii qof ee saxeexay, dhanka labaadna waxaan leeyahay haddii la wada leeyahay haddana wax badan ayaa dhiman , dadka xasuusan waaya wixii soo maray xusuusan waaya waxay isku kelifaan inay ku cel-celiyaan uun khaladaadiikii taariikhda ay kusoo mareen yeynaa sidaas noqonin Somaliland yaanay inaga beenoobin ee dadaalka hala kordhiyo.”Ayuu yidhi Samater

Dhanka kalene Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay oo inta la isku raacay la yidhi Somaliland aynu dhisno “Anniga xusuustaytu hadduusan khaldanayn waar meel la isku raacay oo Somaliland ayaanu wada dhisanaa oo dalka ayaa la kala goynayaa dhukmanti jira annigu ma ogi , waan-ba maqalay meel annoo fadhiya lagaga khudbadaynayo Cali Khaliif-kan inala fadhiya ayaa wax ka saxeexay waar ma saxeexin .”

Isagoo haddalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray “Waar geel didii loogama hadho haddii aynu xisaabtamayno waar si dhab ah aynu u xisaabtano , waar Distuurka maxaa ku yaal waar Distoorku wax-yi maaha waar aan dib u eegno waar wixii danteena ah aan ka eegano , waar Distoorka nin kale igama sheegan karro qabiil igama sheegan karro , haddii uu iga sheektana waxba iskuma nihin , Distoorkaana ma qaadanayo Somaliland kama mid noqonayo .”

Ugu Dambeyn Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa haddalkiisa kusoo afmaaray “Waxaan ku hiranaynaa waa wax wada lahaansha loo siman yahay, hadda looma sina haddaan wax wada lahaanshii loo sinayn , tii qabiilka ahayd ee qaraxa ahayd ee wax lagu qabysadayna meesha ma taal .”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top