Connect with us

somalilandtoday.com

Jabhadii Hubka Dhigtay Ee ONLF Oo Ka Digtay In La Qaybiyo Shidaalka Laga Helay Dhulka Soomaalida Itoobiya.

advertise

Jabhadii Hubka Dhigtay Ee ONLF Oo Ka Digtay In La Qaybiyo Shidaalka Laga Helay Dhulka Soomaalida Itoobiya.

(SLT-Jigjiga)Jabahadda ONLF oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay.

Afhayeenka ONFL Cadaani Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee kunool degaanka ay leeyihiin gaaska tirada badan ee laga helay degaanka, islamarkaan aysan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray.

Waxaa uu sheegay in Soomaalida iyo Oromadda in dhibaato badan lagu heyn jiray oo kheyraadka dalka aan laga talagalin jirin, laakiin hadda aysan yeeli doonin in dowladda Itoobiya ay la baxdo heshiis la’aan.

Hadalka ONLF ayaa ku soo aadaya xili dowlada Itoobiyaay sheegtay in gaaska laga hgelay dhulka Soomaalida 40% ay leeyihiin dadka dhulkooda laga helay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top