(SLT-Algeria)-Taliska Millatariga Aljeeriya ayaa Sabtidii shalay amar ku bixiyey in la xidho Saciid Bouteflika oo la dhashay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Cabdicasiis Bouteflika, waxaa sidoo kale xubnaha la xidh-xidhay kamid ah labadii taliye ee hore usoo qabtay Hay’ada Sirdoonka Bachir Athmane Tartag iyo Mohamed Mediene.
Saciid Bouteflika ayaa lagu tilmaami jiray ninkii ugu awooda badnaa dowladii hore isla markaana la taliye usoo ahaa Walaalkiis, waxaana la sheegaa in tan iyo 2013 uu isagu dalka u taliyey kadib markii uu Xanuunsaday Cabdicasiis Bouteflika.
Cabdicasiis Bouteflika ayaa isagu xilka ka degay 2dii April, balse shacabka ayaa weli codsanaya in gebi ahaan la bedalo nidaamka dowlada Aljeeriya oo ay sheegeen inay weli xilal hayaan xubnihii lasoo shaqeeyey dowladii hore.
Xariga Saciid Bouteflika ayaa sidoo kale ah mid la doonayo in lagu xakameeyo awooda badan oo ay yeesheen xubno kamid ah qoyska iyo Qabiilka hogaamiyihii hore Cabdicasiis Bouteflika oo xilal sare ka hayey xukuumada.
Macada in ay shacabka ku qanci doonaan tilaabadan ugu danbeysay oo ay militariga qaadeen, wuxuuna go’aankan kusoo aaday xili Jimcihii lasoo dhaafay Banaanbaxyadii ka dhacay caasimada Aljeeriya ay shacabka ku codsanayeen inuu xilka isaga dego hogaamiyaha militariga dalkaasi Jeneraal Axmed Gaid Salah, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay ku khasabtay taliyaha militariga inuu xir xiro xubnaha ku dhawaa qoyska Madaxweynihii hore.